WAR CUSUB :- Macalinka Liverpool Iroala oo sharaxay laacibiinta Kooxda qaarkood & hal arin …….

Tababaraha Liverpool, Andoni Iraola, ayaa sheegay in Victor Muñoz aan lagu degdegi doonin inuu si buuxda ugu biiro kooxda koowaad, maadaama uu yahay ciyaaryahan cusub oo u baahan waqti uu kula qabsado kooxda iyo saaxiibbadiisa.

Iroala ayaa yiri:

“Waxaan rabnaa inaan si tartiib ah ugu soo darno kooxda. Isaga laftiisa wuxuu jeclaan lahaa inuu wax walba si degdeg ah u bilaabo, laakiin waa ciyaaryahan cusub oo u baahan waqti uu kula qabsado kooxda.”

Dhanka kale, Iraola ayaa sidoo kale ka hadlay Alexis Mac Allister, isagoo sheegay in khadka dhexe ee Liverpool uu muddo dheer soo qaatay xilli ciyaareed adag iyo Koobkii Adduunka ee Kooxaha, sidaas darteed kooxda ay ka taxaddarayso soo laabashadiisa.

Wuxuu xusay in Mac Allister si tartiib tartiib ah dib loogu soo celin doono tababarka, si uu u nasto isla markaana ugu diyaar garoobo xilli ciyaareedka cusub isagoo caafimaad qaba.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga