Dunidda waxay ku jirtaa waqti ay bani’aadamka lacag u raadinayaan si aan xad lahayn, taasoo keentay hay’adihii dawladeed iyo ururrada caalamiga ah in howlahooda loo dhiibo shirkaddo si dhaqaalaha badan ee ku dhex jira looga faa’iideysto.
Mid ka mid ah ururradii musuq maasuqa iyo lacagta laga fogeyn jiray ayaa hadda loo beddelaya shirkad ay bankiyo iyo shaqsiyaad lacag ka sameeyaan. Waa ururka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ka dib markii loo arkay kubadda cagta il dhaqaale oo lacago aan xad lahayn laga sameyn karo.
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino ayaa shantii sanno ee uu ku laab laabanayay Mareykanka oo sannadkan ka mid ahaa dalalkii martigeliyay koobkii adduunka, waxaa hadda lagu talaalay doonista lacagta, iyadoo bulshada Mareykanka oo ganacsatada, shirkadaha iyo bankiyada loo arka inay maamullaan bani’aadamka ugu lacag sameynta badan.

Hadda, Gianni wuxuu qorsheynaya in tartanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka in lagu wareejiyo shirkad saamigeeda lagu qiyaasay ku dhawaad 20 bilyan oo doolar oo saamiga u badan ay sii heysanayso FIFA, halka ururrada kubadda cagta ee xubnaha ka ah FIFA iyo maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay ay yeelan doonaan saamiyo yar, tallaabadan oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday FIFA,sida uu weriyeen wargeyska The Telegraph iyo wakaaladda wararka ee AP.
In shirkad loo beddelo ururka FIFA, waxaa gadaal ka taagan Joshua Kushner oo ah walaalka ninka uu soddaga u yahay Trump ee Jared Kushner, kaasoo doonaya shirkad uu aasaasay oo lagu magacaabo Thrive Capital inay maamusho tartamada ay qabato FIFA, waxaana howshan kala shaqeynaya bankiga Mareykanka ah ee JP Morgan.

Warbixintan waxay soo baxday, toddobaadyo ka dib markii Trump uu si cad u sheegay inuu ka shaqeyn doono madaxweynaha hadda ee FIFA, Gianni Infantino inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, halka haddii ay tani surageli waydo uu noqonayo maamulaha shirkadda la doonayo inay la wareegto tartamada FIFA ay qabato oo ay ugu weynyihiin koobka adduunka iyo koobka kooxaha adduunka , halkaa oo bishii uu ka heli doono malaayiin doolar.

Qorshaha hadda Gianni uu ka shaqeynayo ee ururka FIFA loo beddelayo shirkad ay shaqsiyaad gaar ah lacag ka sameeyaan, waxaa isla maantaba ka soo horjeestay xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo warsaxaafadeed ay soo saareen ku eedeyay FIFA inay iibinayso ruuxda kubadda cagta.Waxa kale oo la sheegay in UEFA ay ka fiirsanayso tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qorshahan.
Sidoo kale, kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah ayaa si gaar ah u muujiyay walaac iyo diidmo, halka Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Andy Burnham, uu isna cambaareeyay qorshahan.
Si loo dhaqangeliyo qorshaha ay hindiseen qoyska Trump gabadha ka qaba ee reer Kushner, wuxuu u baahanyahay inay oggolaadaan dhammaan dalalka iyo ururrada xubnaha ka ah FIFA
Be the first to comment