Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa war farxad leh u diray xiddiga reer Masar Hamza Cabdikariim, kadib markii uu ku daray liiska 30-ka ciyaaryahan ee u safraya Ingiriiska si ay halkaas ugu qaataan qaybta labaad ee diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.
Hamza ayaa tan iyo maalintii ugu horreysay ku sugnaa xerada tababarka Barcelona ee Spain, isagoo ka tanaasulay fasaxiisii si uu diiradda u saaro kooxda, kadib ka qaybgalka Koobka Adduunka 2026 ee uu la qaatay xulka Masar. Bandhiggiisa wanaagsan ayaa ku qanciyay Hansi Flick inuu siiyo fursad uu kula sii joogo kooxda koowaad.

Barcelona ayaa ku sugnaan doonta Ingiriiska inta u dhexeysa 27-ka Luulyo ilaa 3-da Agoosto, halkaas oo ay ku ciyaari doonto kulammo saaxiibtinimo oo ay ka mid yihiin Birmingham City, Udinese iyo Nottingham Forest, ka hor kulanka Al Ahly ee Koobka Joan Gamper.
Ka qaybgalka Hamza ee Koobka Adduunka 2026, halkaas oo uu ciyaaray 4 kulan, ayaa sare u qaaday sumcaddiisa gudaha Barcelona. Intaa waxaa dheer, kooxda Catalanka ayaa si rasmi ah uga iibsatay Al Ahly heshiis dhan €1.5 milyan, kadib markii uu amaah ku joogay lix bilood.
Weeraryahanka da’da yar ayaa sidoo kale dhaliyay 6 gool 11 kulan oo uu u saftay kooxda dhalinyarada Barcelona xilli ciyaareedkii hore, taasoo ku qancisay maamulka kooxda inay si rasmi ah ula wareegaan, isla markaana ay hadda u arkaan mid ka mid ah hibada ugu rajada badan ee kooxda.
Be the first to comment