Warbixin CABSI CABSI:- Tani ma noqon kartaa shaxda ugu adag ee Real Madrid xilli ciyaareedka cusub?

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in 99% tani ay noqon karto shaxda uu José Mourinho ku bilaabi doono xilli ciyaareedka cusub, balse arrintaasi waxay ku xiran tahay hal shuruud oo muhiim ah.

Shuruudda ugu weyn ayaa ah in Vinícius Júnior la iibiyo, isla markaana Real Madrid ay si rasmi ah ula soo wareegto Rodri madaama ayba qaateen Yan Diomande.

Haddii   heshiiskaas ay hirgaliyaan, isla markaana aysan soo bixin dhaawacyo ama dalabyo waaweyn oo lagu qaadanayo ciyaartoy kale ka hor inta uusan xidhmin suuqa kala iibsiga dhammaadka bisha Agoosto, waxaa la filayaa in tani noqoto shaxda ugu dhow ee kooxda ku ciyaari doonto.

Shaxdan ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u xoojin karto kooxda, gaar ahaan khadka dhexe oo muddooyinkii dambe lagu dhaliili jiray inuu ku adkaa abuurista fursadaha iyo xakamaynta ciyaarta.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Jude Bellingham loo ciyaarsiiyo booska ka dambeeya weeraryahannada ama khadka dhexe ee weerarka, taas oo la aaminsan yahay inay siin karto xorriyad badan oo uu ku muujiyo tayadiisa.

Dhanka kale, isku darka Federico Valverde, Rodri iyo Silva ayaa la filayaa inuu si weyn u caawiyo difaaca, isla markaana kooxda u suurtogeliyo inay si degdeg ah uga faa’iidaysato meelaha bannaan marka ay weerarka qaadayso.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan qorshayaashaas waxay ku xiran yihiin tababaraha. Mourinho ayaa noqon doona qofka go’aaminaya isku dheelitirka ugu habboon ee kooxda, isla markaana ka soo saari kara qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka cusub.

Haddii qorshahan uu hirgalo, Real Madrid waxay yeelan kartaa awood ay ugu tartanto koobka Champions League ilaa heerarka ugu dambeeya.

Su’aalo taageerayaasha aan uga tagnay:

  • Ma u aragtaa in shaxdan ay si fiican isugu dheellitiran tahay difaac iyo weerar?
  • Khadka dhexe ee cusub ma ka awood badan yahay kii labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay?
  • Jude Bellingham booskan cusub ma yahay kii ugu habboonaa isaga iyo kooxda?
  • Valverde, Rodri iyo Silva ma awoodaan inay difaaca ilaaliyaan isla markaana abuuraan weerarro halis ah?

Fikraddaada ku reeb qaybta faallooyinka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga