🚨 Ronaldo Oo Shaqo Cusub oo La Yaab Leh Helay (Maxey tahay ?)!

Cristiano Ronaldo ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka baxsan garoomada kubadda cagta, isagoo noqday soo-saare sare (Executive Producer) isla markaana ka soo muuqan doona taxane cusub oo riwaayad ah oo lagu magacaabo “Day 1s”. Taxanahan ayaa diiradda saaraya sheekada wakiil kubadda cagta ah oo mala-awaal ah, waxaana doorka ugu weyn jilaya aktarka caanka ah ee British-ka Damian Lewis, oo caan ku ah taxanayaasha Homeland iyo Billions.

Duubista taxanaha ayaa si rasmi ah u bilaabatay, iyadoo muuqaalladii ugu horreeyay laga duubay garoonka kooxda Barnet FC ee waqooyiga magaalada London. Ilo ku dhow mashruuca ayaa sidoo kale xaqiijiyay in halyeeygii hore ee Arsenal iyo xulka Faransiiska, Thierry Henry, uu isna ka soo muuqan doono taxanaha.

Sheekada “Day 1s” waxay ku saleysan tahay fikrad uu hindisay wakiilka ciyaartoyda Darren Dein, oo sidoo kale ah wakiilka Thierry Henry. Taxanaha ayaa la sheegay inuu noqon doono riwaayad si qoto dheer u soo bandhigaysa nolosha iyo caqabadaha ka jira suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo dunida kubadda cagta, inkastoo uu yeelan doono qaybo madadaalo ah.

Mashruucan waxaa soo saaraya shirkadda cusub ee UR•Marv Studios, oo ay Ronaldo wada aasaaseen agaasimaha caanka ah Matthew Vaughn, oo caan ku ah filimada Kingsman iyo Kick-Ass. Waxa kale oo taxanaha ka qeyb qaadanaya fanaanka British-ka ah Dave iyo jilaaga da’da yar Carlotta Banat.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha waaweyn ee baahiya filimada iyo taxanayaasha ay si weyn ugu tartami doonaan helitaanka xuquuqda baahinta “Day 1s”, maadaama uu yahay mashruuc ay ka dambeeyaan magacyo waaweyn oo ka kala yimid kubadda cagta iyo warshadaha filimada.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in mashruucan uu u yahay bilow cusub oo xirfaddiisa ah, isagoo tilmaamay inuu doonayo inuu dhiso sheekooyin cusub oo guulo leh, sida kuwii uu ku sameeyay garoomada kubadda cagta. Waxaa la filayaa in “Day 1s” uu noqdo mid ka mid ah taxanayaasha ugu hadal haynta badan marka la soo bandhigo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga