SAXIIXYADA WAALI AH 3-DA Saxiix ee lagu Kala bixi doono ee Man utd, Real Madrid & Kooxda Arsenal

Suuqa kala iibsiga ayaa galay marxalad aad u kulul, iyadoo Real Madrid ay qaaday tallaabo weyn oo ku aaddan saxiixa xiddiga da’da yar ee Yan Diomande. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxda reer Spain ay heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka, kadib wada-hadallo qarsoodi ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Jarmalka.

Sida la sheegay, madax ka socotay Real Madrid ayaa la kulmay wakiillada Diomande, kuwaas oo sidoo kale matala Vinicius Jr. Kulamadaas ayaa lagu dhammeystiray dhammaan qodobadii heshiiska, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen qandaraas soconaya shan sano ilaa xagaaga 2031, iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay mushaharka iyo gunnooyinka ciyaaryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka saxiixa Diomande wali ma dhammaan. Paris Saint-Germain (PSG) ayaa hore ula heshiisay ciyaaryahanka bishii Juun, waxaana kooxda Faransiiska ay hadda qorsheyneyso inay soo gudbiso dalab cusub si aysan uga harin tartanka.

Dhanka kale, Diomande laftiisa ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu si degdeg ah ugu biiro koox cusub. Inkastoo RB Leipzig ay markii hore qorsheynaysay inay iibiso ciyaaryahanka balse amaah ugu sii hayso hal xilli ciyaareed, ciyaaryahanku ma doonayo inuu sii joogo. Wuxuu doonayaa inuu isla markiiba u ciyaaro kooxdiisa cusub.

Real Madrid ayaa sidoo kale diyaarinaysa dalab cusub oo rasmi ah oo ay u gudbin doonto RB Leipzig. Dalabkii hore oo ahaa €90 milyan iyo €10 milyan oo gunno ah waana la diiday dalabkaas , balse hadda Los Blancos waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan lacag ka badan €100 milyan si ay heshiiska u soo gabagabeeyaan.

Wararka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Manchester City aysan hadda qeyb ka ahayn tartanka. Inkastoo kooxda Enzo Maresca ay xiiseyneysay ciyaaryahanka toddobaadkii hore, hadda waxay ogtahay in Diomande uu dooran doono mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Real Madrid ama PSG.

Marka laga soo tago Diomande, Real Madrid waxay sii wadaa dadaalkeeda ku aaddan saxiixa Rodri. Kooxdu waxay xiriir joogto ah la leedahay wakiillada xiddiga Manchester City, waxaana la sheegay inuu ciyaaryahanku diyaar u yahay inuu u wareego Santiago Bernabéu.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid wali dalab rasmi ah uma gudbin Manchester City. Arrintaas waxay ku xiran tahay oggolaanshaha madaxweynaha kooxda Florentino Pérez, kaas oo go’aamin doona haddii kooxda ay si rasmi ah u bilaabayso wada xaajoodka labada naadi.

Manchester United wali ma go’aansan khadka dhexe

Manchester United ayaa iyaduna sii wada raadinta ciyaaryahan khadka dhexe ah. Danilo ayaa loo soo bandhigay kooxda, balse ma jiro wada-hadal rasmi ah oo socda.

Dhanka kale, Manu Koné ayaa ah ciyaaryahan ay United si dhab ah u daneyneyso. Kooxdu waxay la hadashay wakiilladiisa, hase yeeshee wali lama bilaabin wada xaajood rasmi ah oo lala yeesho Roma maadaama maamulka United uusan wali go’aansan ciyaaryahanka ay mudnaanta siinayaan.

Waxaa sidoo kale liiska kooxda ku jira Carlos Baleba, kaas oo la sheegay inuu aad u jeclaan lahaa inuu ku biiro Manchester United haddii dalab rasmi ah yimaado.

Arsenal oo xoogga saareysa Bruno Guimarães

Arsenal ayaa saacadaha soo socda dib u bilaabi doonta wada xaajoodka ay kula jirto Newcastle United ee ku saabsan Bruno Guimarães.

Tababare Mikel Arteta ayaa Bruno u arka bartilmaameedka koowaad ee khadka dhexe, waxaana ciyaaryahanka iyo Arsenal hore uga dhexeeya heshiis shaqsi ah. Waxa kaliya ee harsan ayaa ah in labada kooxood ay ka heshiiyaan qiimaha kala iibsiga.

 

suuqa kala iibsiga ayaa galay marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo ay harsan yihiin qiyaastii lix toddobaad ka hor inta uusan xirin. Real Madrid, PSG, Arsenal iyo Manchester United ayaa dhammaantood ku jira dadaallo waaweyn oo ay ku doonayaan saxiixyo muhiim ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la arko heshiisyo waaweyn oo si rasmi ah loo shaaciyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga