Halyeeygii hore ee Manchester United iyo xulka England, Wayne Rooney, ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan maray qalliin lagu hagaajinayo sankiisa, kaddib markii uu laba jeer dhaawac ka soo gaaray intii uu ku jiray xirfaddiisa kubadda cagta.
Rooney ayaa arrintan ka hadlay qeybtii ugu horreysay ee podcast-kiisa cusub ee Stick to United, isagoo sheegay in qalliinka lagu sameeyay toddobaad ka hor , xiddigii hore ayaa muuqaal ahaan u ekaa qof wali ka soo kabanaya qalliinka, waxaana sankiisa ku jiray laba tuubbo oo caag ah, Rooney wuxuu sheegay in tuubooyinkaas ay saameyn ku yeesheen codkiisa, isla markaana uusan sugi karin waqtiga laga saarayo.
Rooney wuxuu sheegay in dhaawacii ugu horreeyay uu sankiisa ka soo gaaray sanadkii 2015, markaas oo Manchester United ay FA Cup-ka la ciyaaraysay Preston, Inkastoo sankiisu jabay, haddana ma uusan ka maqnaan kulamadii kooxda.
Dhaawacii labaad wuxuu yimid sanadkii 2018, xilli uu u ciyaarayay DC United ee horyaalka MLS. Intii ay ciyaartu socotay, ciyaaryahan ka tirsan Colorado Rapids ayaa si lama filaan ah madaxa ugu dhuftay Rooney, taasoo keentay in sankiisu mar kale jabo.
Dhaawacaas wuxuu ahaa mid culus, waxaana Rooney garoonka looga arkayay isagoo dhiig wajiga kaga yaallo, halka markii dambe uu yeeshay indho madoobaad iyo barar, inkasta oo dhakhaatiirtu hore ugu sheegeen inuu u baahan yahay qalliin, Rooney wuxuu qalliinka muddo dheer dib u dhigayay, ugu dambeyn, xagaagan ayuu go’aansaday inuu sameeyo qalliinka si loo saxo dhaawacyadii muddada dheer saameeyay sankiisa.
Rooney ayaa sheegay in qalliinku si wanaagsan ku dhammaaday, balse uu hadda dhib ku qabo labada tuubbo ee sankiisa ku jira inta uu bogsanayo.
Dhaawacyada soo noqnoqda ee sanka waxay dhaawici karaan septum-ka iyo carjawda, taasoo qofka u horseedi karta dhibaatooyin xagga neefsashada ah, qalliinkan ayaa sidaas darteed loogu sameeyay Rooney si loo hagaajiyo dhaawacyadii hore iyo xaaladda gudaha sankiisa.
Rooney oo muddo dheer ahaa mid ka mid ah weeraryahannadii ugu muhiimsanaa Manchester United iyo England ayaa hadda si tartiib ah uga soo kabanaya qalliinka, isagoo rajeynaya in tuubooyinka laga saaro dhowaan.
Be the first to comment