Xiddiga Chelsea iyo xulka England ee Cole Palmer ayaa shaaca ka qaaday sheeko qosol badan oo ku saabsan markii ugu dambeysay ee uu cunto kariyo, taasoo ku dhammaatay inuu isagu isku sumo, Palmer ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu gurigiisa wax ku kariyo uu sameeyay salmon, balse kadib markii uu cunay uu ku dhacay sumowga cuntada.
Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in ciyaaryahanku uu qirtay inuusan garanayn waxa uu khalday ama sida kalluunka uu u xumaaday, balse dhakhtar uu la tashaday uu u sheegay in salmon-ka uu ahaa sababta xanuunkiisa.
Palmer ayaa sidoo kale sheegay inuu muddo dheer wax karin, inkastoo uu horey u qaatay casharro cunto-karin ah, Ugu dambeyn wuxuu ogaaday in cunto-karintu aysan ahayn wax isaga loogu talagalay, maadaama isku daygiisii ugu dambeeyay uu ku dhammaaday xaalad aan wanaagsanayn.
Sheekadan ayaa si gaar ah u noqotay mid lagu qoslo, maadaama Cole Palmer uu caan ku yahay dabeecaddiisa kaftanka badan iyo hadallada qosolka leh, Sannadkii hore waxaa si weyn loo faafiyay muuqaal uu ka duubnaa maqaaxi qaali ah, isagoo adeegihii weydiiyay haddii uu isagu sameeyay cuntada, kadibna dalbaday ketchup.
Dhanka kale, Palmer ayaa sidoo kale galay dhinaca ganacsiga, isagoo bilaabay sumad baraf la nadiifiyey ah oo lagu magacaabo “Cole’d Ice.” , Wuxuu sheegay in ganacsigan uu siinayo wax uu ku mashquulo marka uusan kubadda ciyaareyn, isla markaana uu doonayo inuu taageerayaashiisa wax ugu soo celiyo.
Palmer ayaa sidoo kale ka hadlay xulka England, xilli taageerayaal badan ay ka caroodeen markii laga reebay xulka England ee Koobka Adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Chelsea ayaa rajeynaya inuu mar kale kusoo laabto qorshaha xulka England bisha soo socota.
Be the first to comment