Xiddiga reer Portugal ee João Cancelo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Barcelona, iyadoo tallaabadii ugu dambeysay ee ku aaddan ku biiristiisa kooxda Catalan la filayo inay dhowaan dhacdo, Cancelo ayaa Barcelona u tagaya si uu u maro baaritaanka caafimaadka, kaddibna loo dhammeystiro tallaabooyinka rasmiga ah ee heshiiska iyo saxiixa qandaraaska, laakiin Cancelo keligii ma aha ciyaaryahanka Barcelona kusoo wajahan.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Rodri uu ku xigo, iyadoo qorshuhu yahay in labada ciyaaryahan ay Barcelona ku maraan baaritaankooda caafimaad, ka hor inta aan si rasmi ah loo dhammeystirin heshiisyadooda.
Haddii labada heshiis ay si rasmi ah u hirgalaan, Barcelona waxay heli doontaa laba xiddig oo waayo-aragnimo weyn u leh kubadda cagta heerka ugu sarreeya.
Taageerayaasha Barcelona ayaa hadda sugaya in labada xiddig si rasmi ah loogu dhawaaqo, iyadoo kooxda Catalan ay isku diyaarinayso xilli ciyaareed cusub oo ay dooneyso inay si xooggan ugu tartanto dhammaan koobabka.
Be the first to comment