Laba Sabab Oo Ay RB Leipzig Liverpool Uga Diiday Dalabka Yan Diomande

Weriyaha suuqa kala iibsiga ee caanka ah, Fabrizio Romano, ayaa sheegay in ay jiraan laba sababood oo keentay in Liverpool laga diido dalabkoodii weynaa ee ay ku doonayeen Yan Diomande oo ka tirsan RB Leipzig.

Liverpool ayaa Khamiistii xaqiijisay saxiixa Victor Munoz, laakiin weli waxay doonayaan inay keenaan weeraryahan garabka ka ciyaara, iyadoo Diomande uu yahay bartilmaameedkooda koowaad.

Sida uu sheegay David Ornstein, Liverpool waxay gudbisay dalab dhan €100 milyan, balse RB Leipzig ayaa diiday.

Romano ayaa sharaxay in dalabku ahaa €90 milyan oo lacag toos ah ah iyo €10 milyan oo gunnooyin ah, balse Leipzig ma aqbalin.

Labada sababood ee diidmada

1. Leipzig waxay doonaysaa inay sii haysato ciyaaryahanka

Kooxda Jarmalka ayaa rajaynaysa in Diomande uu sii joogo hal xilli ciyaareed oo kale, qandaraas cusubna saxiixo, kadibna 2027 lagu iibiyo qodob fasax ah (release clause).

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka laftiisa ayaa aad ugu hamuun qaba inuu xagaagan baxo.

Wararka gudaha kubadda cagta ayaa sheegaya in €120 milyan ay noqon karto lacagta lagu qancin karo Leipzig.

2. Qiimaha Diomande ayaa kor u sii kacaya

Leipzig waxay aaminsan tahay in bandhigyada Diomande ee Koobka Adduunka ay sare u qaadi karaan qiimihiisa, isla markaana kooxo kale ay tartanka ku soo biiri karaan.

Marka laga soo tago Liverpool, kooxda Paris Saint-Germain ayaa weli xiisaynaysa ciyaaryahanka, waxaana suurtagal ah inay kooxo kale ku soo biiraan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga