La Ogaaday: Laba Xiddig Oo Ay Real Madrid Ka Doonaysay Arsenal Ka Hor Saxiixa Cucurella Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in daafacyada Riccardo Calafiori iyo Piero Hincapié, oo ka tirsan Arsenal, ay ku jireen liiska ciyaartoyda ay doonaysay Real Madrid ka hor inta aysan kooxda reer Spain la soo saxiixan Marc Cucurella.

Real Madrid ayaa si degdeg ah u billowday xoojinta kooxdeeda kadib xilli ciyaareedkii niyad-jabka lahaa ee ay soo martay.

Soo laabashada tababare José Mourinho ayaa keentay dhaqdhaqaaq weyn oo suuqa kala iibsiga ah.

Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Inter Milan ee Denzel Dumfries

Dhanka daafaca bidix, Real Madrid ayaa ka adkaatay tartan adag oo uga yimid FC Barcelona iyo Atlético Madrid, si ay ula soo saxiixato Marc Cucurella heshiis lagu qiimeeyay £51.8 milyan oo ay kala wareegtay Chelsea.

Sida wararku sheegayaan, ka hor inta aan la go’aansan Cucurella, Real Madrid waxay si dhow ula socotay Calafiori iyo Hincapié, balse ugu dambayn waxay dooratay xiddiga Chelsea si uu u xalliyo booska daafaca bidix ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga