Maamulaha West Ham, Daniel Kretinsky, ayaa si cad u muujiyay go’aanka kooxda ee ah inay sii haysato ciyaartoydeeda ugu muhiimsan, iyadoo ay sii kordhayaan wararka sheegaya in Manchester United ay xiisaynayso Mateus Fernandes iyo Jarrod Bowen.
Labada ciyaaryahan ayaa si weyn loola xiriirinayay inay ka tagaan garoonka London Stadium xagaagan kadib markii West Ham ay u dhacday heerka Championship-ka.
Sidaas darteed, Manchester United ayaa loo arkayay meel ay ku biiri karaan Fernandes iyo Bowen haddii West Ham lagu qasbo inay iibiso xiddigaheeda.
Si kastaba ha ahaatee, Kretinsky ayaa sheegay in kooxdu aysan wax qorshe ah u hayn iibinta ciyaartoydeeda muhiimka ah.
“Waxaan leenahay istaraatiijiyad aad loo aamini karo,” ayuu Kretinsky u sheegay wargeyska The Times.
“Uma baahnin inaan ciyaartoyda iibino sababo dhaqaale dartood”
“Waxaan tan u samaynaynaa si aan u hubinno inaan si degdeg ah ugu soo laabanno Premier League. Taasi waa yoolkeenna keliya”
“Ciyaartoyda muhiimka ah way nala joogayaan. Waxay rabaan inay arkaan in ay jirto fursad dhab ah oo kooxda lagu sii hayo”
Be the first to comment