FIFA Oo Go’aan Ka Soo Saartay Garsooraha Somaliyeed Ee Omar Cabdqaadir Artan, Maxaa Cusub?

FIFA ayaa xaqiijisay in garsooraha Soomaaliyeed ee Omar Cabdqaadir Artan uu heli doono mushaharka buuxa ee Koobka Adduunka 2026, inkastoo loo diiday inuu galo Mareykanka oo uusan wax kulan ah qaban.

Artan ayaa loo xushay inuu ka garsooro Koobka Adduunka, balse markii uu gaaray Mareykanka waxaa lagu sameeyay wareysi qaatay ku dhawaad 11 saacadood, ka dibna waxaa dib loogu celiyay Soomaaliya. Sida ay sheegtay BBC Sport, FIFA waxay go’aansatay inuu helo dhammaan lacagihii uu xaqa u lahaa tartanka.

Lama oga lacagta saxda ah ee uu heli doono, balse warar hore ayaa sheegayay in garsoorayaasha Koobka Adduunka ay heli karaan ilaa £75,000, iyadoo gunnooyin dheeraad ah la siiyo kuwa gaara wareegyada dambe.

Dhanka kale, UEFA ayaa Artan u magacowday garsooraha kulanka UEFA Super Cup ee dhex mari doona Paris Saint-Germain iyo Aston Villa bisha Agoosto, taas oo loo arkay tallaabo lagu muujinayo taageero iyo garab istaag.

Markii uu ku soo laabtay Soomaaliya, Artan waxaa loo sameeyay soo dhoweyn weyn. Isagoo hadlayayna wuxuu yiri:

“Waxaan haystay dhammaan waraaqihii saxda ahaa iyo fiisihii saxda ahaa. Waxaan ahay garsoore isku dayaya inuu rumoobiyo riyadiisa ugu weyn ee noloshiisa, taas oo ah ka qaybgalka Koobka Adduunka.”

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta taageerada u muujiyay, isagoo ballanqaaday inuu mar kale ka soo muuqan doono Koobka Adduunka ee xiga.

Dhanka kale, ilo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa BBC u sheegay in saraakiisha xuduudaha ay heleen “macluumaad amni” oo la xiriira dad looga shakisan yahay ururro argagixiso, taasoo keentay in loo diido gelitaanka dalka sida uu dhigayo sharciga socdaalka Mareykanka. Dowladda Mareykanka ma aysan soo bandhigin caddeyn faahfaahsan oo arrintaas ku saabsan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga