Xulka Qatar Oo Qarxiyay Lama Filaankii Ugu Horeeyay Ee Koobka Adduunka Switzerland Ayay Qabteen.

Xulka Qatar ayaa barbaro 1-1 ah la galay dhiggiisa Switzerland kulankii dhacay fiidnimadii Sabtida ee garoonka Levi’s Stadium, kaas oo ka tirsanaa wareegga koowaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026.

Xulka Switzerland ayaa goolka furitaanka dhaliyay goor hore, iyadoo weeraryahanka Breel Embolo uu daqiiqaddii 17-aad ka dhaliyay rikoodhe, taas oo keentay in qaybtii hore lagu kala nasto 1-0 ay Switzerland ku hoggaaminayso.

Markii ay ciyaartu u muuqatay inay guul ku dhammaan doonto Switzerland, xulka Qatar ayaa helay gool barbaro oo lama filaan ah daqiiqadihii dheeriga ahaa. Daafaca Boualem Khoukhi ayaa daqiiqaddii 90+5 madax qurux badan ku dhaliyay kubbad uu ka soo karoosay Homam Ahmed.

Barbarahan ayaa ka dhigan in labada xul ay min hal dhibic ku bilaabeen safarkooda tartanka, iyagoo ku jira Group B.

Sidoo kale, kulankii kale ee isla guruubkan dhex maray Canada iyo Bosnia and Herzegovina ayaa isna ku dhammaaday barbaro, taas oo sababtay in afarta xul ee guruubku ay dhammaantood yeeshaan min hal dhibic kadib wareegga koowaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga