Warbixino saxaafadeed ayaa shaaciyay suurtagalnimada in dib loo dhigo ciyaarta furitaanka Koobka Adduunka 2026 ee dhex mari doonta Mexico iyo Koonfur Afrika.
Koobka Adduunka 2026 ayaa markii ugu horreysay taariikhda lagu qabanayaa iyadoo ay ka qaybgalayaan 48 xul qaran, waxaana si wadajir ah u martigelinaya Maraykanka, Kanada iyo Mexico.
Xulka Mexico ayaa isku diyaarinaya inuu la ciyaaro Koonfur Afrika kulanka furitaanka tartanka, kaas oo ka dhici doona garoonka caanka ah ee Azteca Stadium ee magaalada Mexico City.
Markii ugu horreysay taariikhda Koobka Adduunka, waxaa jiri doona saddex xafladood oo furitaan oo kala duwan, iyadoo waddan kasta oo martigelinaya uu qaban doono xafladdiisa gaarka ah marka ay bilaabmayaan kulamadiisa ugu horreeya.
Waxaa qorshuhu yahay in xafladda furitaanku ay bilaabato 90 daqiiqo ka hor kulanka furitaanka ee Mexico iyo Koonfur Afrika ee garoonka Azteca.
Barnaamijka Isbaanishka ah ee “El Chiringuito” ayaa sheegay in kulanka furitaanka uu wajahayo khatar dib u dhac.
Sababta khatartaas ayaa lagu sheegay duufaan onkod iyo hillaac wata oo la filayo inay ka dhacdo goobta ciyaarta.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in haddii xaaladdu sii xumaato, xeerarka ammaanka iyo habraacyada tartanka ay qasbi karaan in ciyaarta dib loo dhigo.
Be the first to comment