Rooney Oo Magacaagay Saxiixa Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka.

Halyeeyga kooxda Manchester United, Wayne Rooney, ayaa magacaabay weeraryahanka Arsenal ee Viktor Gyokeres inuu yahay saxiixii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedka Premier League.

Rooney ayaa aaminsan in xiddiga reer Sweden uu ahaa “arrin weyn” oo ka qayb qaadatay in Arsenal ku guuleysato Premier League.

Markii la weydiiyay ciyaaryahanka uu u arko “saxiixii ugu fiicnaa ee Premier League” kadib dhammaadka xilli ciyaareedka 2025/26, Rooney wuxuu ku yiri barnaamijkiisa BBC:

“Waxaan dooranayaa Viktor Gyokeres”

“Granit Xhaka wuxuu si weyn ugu fiicnaa Sunderland, laakiin eeg waxa Gyokeres uu kusoo kordhiyay Arsenal; waa sax waxa ay kooxda u baahnayd”

“Markii ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay kaalinta labaad ku dhammaanayeen, waxaan u maleynayaa inuu Arsenal siiyay wax ka duwan, taasina waxay ahayd sabab weyn oo ka dambeysay inay ku guuleystaan Premier League.”

Arsenal ayaa Gyokeres kasoo iibsatay kooxda reer Portugal ee Sporting CP xagaagii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga