Sida Loogu Kala Guulaystay Abaalmarinaha Kala Duwan Ee Premier League.

Xilli ciyaareedkii Premier League ee 2025/2026 ayaa si rasmi ah u dhammaaday Axaddii, iyadoo Arsenal FC loo caleemo saaray horyaalka kadib guushii 2-1 ahayd ee ay ka gaareen Crystal Palace FC garoonka Selhurst Park.

Kooxda Mikel Arteta ayaa soo gabagabeysay xilli ciyaareed taariikhi ah, iyagoo ku dhammeystay toddobo dhibcood ka sarreeya Manchester City FC, kuwaas oo 2-1 looga adkaaday Aston Villa FC kulankii ugu dambeeyay ee Pep Guardiola hoggaaminayay kooxda.

Dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaa la shaaciyay abaalmarinnada ugu muhiimsan:

  • Golden Boot: Erling Haaland (Manchester City) – 27 gool
  • Golden Glove: David Raya (Arsenal) – 19 clean sheets
  • Fair Play Award: Arsenal FC – 50 kaar oo jaalle ah, 0 kaar cas, mana aysan gelin wax rigoore ah
  • Top Assister: Bruno Fernandes (Manchester United) – 21 assists

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga