10-ka Ciyaartoy Ee Ugu Magaca Weyn Kubada Cagta Ee Seegi Doona Koobka Adduunka.

Tartanka ugu xiisaha badan xulalka ee koobka adduunka ayaa si Rasmi ah u bilaaban doona bisha soo socota.

xiddigaha kala duwan ayaa isku diyaarinaya in ay ka qayb galaan tartanka ugu xiisaha badan koobka adduunka.

Waxa jira xiddigo magac weyn ku leh kubada cagta oo seegi doona tartanka koobka adduunka ee sanadkan.

Ciyaartoyda ugu waaweyn ee la xusay waxaa ka mid ah:

  • Dani Carvajal – Kabtanka Real Madrid CF ayaan lagu darin liiska 55-ka ciyaaryahan ee Spain inkastoo uu dhaawac kasoo laabtay.
  • Alejandro Balde – Daafaca FC Barcelona ayaa sidoo kale laga reebay xulka Spain.
  • Estêvão Willian – Xiddiga da’da yar ee Brazil ayaa dhaawac dartii uga maqnaan doona koobka adduunka.
  • Savinho – Inkastoo uu u ciyaaray Manchester City FC, haddana laguma darin liiska Brazil.
  • Roony Bardghji – Ciyaaryahanka da’da yar ee FC Barcelona ayaa laga reebay xulka Sweden.
  • Paulo Dybala – Halyeeyga Argentina ayaan xitaa lagu darin liiska 55-ka ciyaaryahan ee hordhaca ah.
  • Eduardo Camavinga – Khadka dhexe ee Real Madrid ayaa si weyn looga naxay maqnaanshihiisa xulka France.
  • Randal Kolo Muani – Weeraryahanka reer France ayaa sidoo kale laga reebay xulka.
  • Álvaro Carreras – Mid kale oo Spain ah oo si lama filaan ah looga reebay liiska.
  • Dejan Kulusevski – Dhaawac ayaa ka hor istaagay inuu Sweden u ciyaaro koobka adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga