Gary Neville Oo Magacaabay 6 Saxiix Oo Tayo Leh Oo Man United Tahay In Ay La Soo Saxiixato Suuqa Xagaaga.

Halyeeyga Manchester United FC, Gary Neville, ayaa ugu baaqay kooxda inay si buuxda u taageerto Michael Carrick iyagoo keenaya lix ciyaaryahan oo tayo sare leh xagaagan.

Carrick ayaa wada hadal kula jira United si uu u noqdo tababaraha rasmiga ah kadib markii uu kooxda ku hoggaamiyay kaalinta saddexaad ee Premier League tan iyo markii uu si ku meel gaar ah uga beddelay Ruben Amorim.

Tababaraha 44 jirka ah ayaa guuleystay 11 kamid ah 16-kii kulan ee uu qabtay, wuxuuna sidoo kale kooxda u xaqiijiyay ka qeybgalka UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Neville wuxuu sheegay in kooxda hadda ay tahay “paper-thin”, taas oo micnaheedu yahay in dhaawacyo yar ay si fudud u burburin karaan kooxda.

Wuxuu yiri:

“Haddii labo ama saddex ciyaaryahan dhaawacmaan, wax walba si degdeg ah ayay u burburi karaan.”

Neville wuxuu sheegay in United ay u baahan tahay:

  • Saddex daafac oo cusub
  • Labo khad dhexe oo tayo sare leh
  • Hal weeraryahan ama ciyaaryahan dabacsan oo ka ciyaari kara garbaha iyo lambarka 10aad

Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay ciyaartoy sida:

  • Piero Hincapié
  • Ben White
  • Phil Foden
  • Cole Palmer
  • Rayan Cherki

Sidoo kale Neville wuxuu tilmaamay in bixitaanka Casemiro uu ka dhigayo lama huraan in labo khad dhexe oo cusub la keeno.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay:

“Waxaan dalbanayaa lix ciyaaryahan, mana u maleynayo inaan buunbuuninayo. Waxa ugu muhiimsan waa hal daafac dhexe oo heer sare ah iyo labo khad dhexe oo tayo sare leh.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga