CHAMPIONS!! Arsenal Oo Ku Guulaystay Horyaalka Premier League

Kooxda Arsenal ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2025/2026, kadib markii kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City ay barbaro 1-1 ah la gashay Bournemouth kulankii wareegga 37-aad ee horyaalka, kaas oo ahaa wareegga ugu dambeeya ka hor finalka.

Bar-barahaas ayaa siisay Arsenal koobka horyaalka ka hor kulankooda ugu dambeeya ee Axadda ay la ciyaari doonaan Crystal Palace wareegga 38-aad iyo kan ugu dambeeya ee Premier League, kaas oo lagu ciyaari doono garoonka Selhurst Park.

Arsenal ayaa hoggaanka horyaalka ku haysa 82 dhibcood, iyadoo afar dhibcood ka sarreysa Manchester City oo gaartay 78 dhibcood kadib barbarahaas, taas oo si rasmi ah uga saartay tartanka horyaalka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Bar-barahaas waxay soo afjaraysaa sannado badan oo sugitaan ah oo kooxda reer London ku jirtay tan iyo xilli ciyaareedkii taariikhiga ahaa ee 2003/2004, markaas oo Arsenal ay horyaalka ku qaaday iyada oo aan wax kulan ah laga badin.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in tababaraha reer Spain Pep Guardiola uu ka tagi doono Manchester City dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo heshiiskiisu socdo ilaa xagaaga 2027.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga