“Maxaa Dhici Doona Mark Guardiola Ka Tago Man City” Gary Neville.

Xiddigii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in bixitaanka Pep Guardiola ee Manchester City dhammaadka xilli ciyaareedkan uu wax weyn ka beddeli doono kubadda cagta England.

Neville ayaa arrintan kaga hadlay Sky Sports, isagoo ka falcelinayay wararka isa soo taraya ee sheegaya in tababarihii hore ee FC Barcelona uu xagaagan ka tagayo kooxda Premier League.

Ninka reer England ayaa warkan barbar dhigay bixitaannadii waaweynaa ee taariikhda kubadda cagta sida kuwii Sir Alex Ferguson ee Manchester United, Jurgen Klopp ee Liverpool iyo Kenny Dalglish ee Liverpool.

Neville wuxuu yiri:“Warkani waa mid wax walba beddeli kara. Waa waqtiyo waaweyn oo kubadda cagta ah”

“Uma arko war Manchester City ay rabto inuu bannaanka yimaado waqtigan [kahor ciyaarta Bournemouth]”

“Waxay la mid tahay markii la maqlay Kenny Dalglish oo Liverpool ka tagaya, ama Alex Ferguson oo Manchester United ka tagaya, iyo Jurgen Klopp oo Liverpool ka tegaya.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga