Kooxda Manchester City ayaa heshiis la gaartay beddelka tababare Pep Guardiola, kaasoo ah Enzo Maresca.
Arrintan waxaa shaaciyay khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Nicolo Schira, isagoo sheegay in Maresca uu heshiis mabda’ ah la gaaray kooxda Cityzens, kaasoo soconaya ilaa 2028, iyadoo lagu dari karo hal sano oo dheeraad ah ilaa 2029.
Qoraal uu ku daabacay barta X dhammaadkii toddobaadka, Schira wuxuu ku adkaystay in: “Hadda waxa ay ku xiran tahay Guardiola inuu go’aan gaaro, maadaama Maresca uu sugayo.”
Manchester City ayaa Maresca u calaamadsatay inuu noqdo beddelka Pep Guardiola haddii tababarihii hore ee FC Barcelona iyo Bayern Munich uu ka tago Etihad Stadium dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Guardiola waxaa uga harsan hal sano qandaraaskiisa uu kula jiro Man City, waxaana lala xiriirinayaa inuu ka tagi karo kooxda weyn ee Premier League-ka.
Tababaraha 55 jirka ah ayaa dhawaan si cad uga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man City.
Be the first to comment