Wayne Rooney: Way Ka Badbadiyeen Dabaal-dega, Wali Koob Kuma Guulaysan.

Wayne Rooney ayaa ku eedeeyay Arsenal inay si xad dhaaf ah u dabaaldegayeen kadib markii ay gaareen final-ka UEFA Champions League oo ah kii labaad oo keliya taariikhda kooxda.

Kooxda Gunners ayaa 1-0 kaga badisay Atlético Madrid lugtii labaad ee semi-finalka Talaadadii, iyadoo goolka hore ee Bukayo Saka uu noqday midka kala saaray labada dhinac garoonka Emirates Stadium.

Mikel Arteta iyo ciyaartoydiisa ayaa hadda u socda Budapest, waxaana la arkayay iyagoo farxad la boodaya taageerayaasha garoonka Emirates Stadium kadib markii ciyaarta dhammaatay.

Laakiin Wayne Rooney ma uusan taageerin muuqaalada dabaaldega kadib ciyaarta.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa u sheegay Prime Video Sport:

“Waxay u qalmaan inay joogaan marxaladdan, laakiin wali koobka ma aysan qaadin. Waxaan u maleynayaa in dabaaldegyadu ay xoogaa ka badnaayeen intii loo baahnaa. Dabaaldega sameeya marka aad koobka ku guuleysataan!”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga