Keane: Arsenal Halka Arin Ayaa Ka Caawisay In Ay Gaadho Final-ka Champions League, Nasiib Ayay Leeyihiin.

Halyeeyga kooxda Man United Roy Keane ayaa sheegay in ay Arsenal kulamo fudud ciyaartay ilaa inta ay ka gaadhaysay final-ka tartanka champions League.

Arsenal ayaa iska xaadirisay final-ka tartanka champions League kadib markii ay badisay Atletico Madrid.

“Sanadihii u dambeeyay, waxaan u maleynayaa in FC Barcelona ay ahayd kooxda ugu nasiib darrada badan Yurub”

“Xilli ciyaareedkii hore, waxaa reebtay Inter Milan, halka Inter ay final-ka uga muuqatay koox aad uga fudud sidii ay uga muuqatay markay la ciyaarayeen Barcelona. Sidoo kale waa kooxdii albaabka u furtay Atlético Madrid inay gaaraan semi-finalka”

“Dadka waxay amaanayaan Arsenal, laakiin run ahaantii wali ma jirto wax aad u gaar ah oo ay sameeyeen. Waxay heleen waddo u sahlan oo ay ku gaaraan final-ka”

“Tijaabada dhabta ah waxay iman doontaa marka ay la kulmaan midkood Bayern Munich ama Paris Saint-Germain, waxaana hubaal ah in aysan sidaan u fududaan doonin.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga