4 Ciyaartoy Oo Arsenal Ka Maqnaa Tababarka Ka Hor Kulanka Atletico Madrid.

Ugu yaraan afar ciyaaryahan ayaa ka maqnaa tababarka Arsenal Isniintii, iyadoo kooxda isu diyaarinayso kulanka lugta labaad ee semi-finalka UEFA Champions League ee ay la ciyaarayaan Atletico Madrid.

Ciyaartoyda maqnaa waxaa ka mid ah kabtanka Martin Ødegaard, Kai Havertz, Jurrien Timber iyo Mikel Merino.

Kadib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Fulham Sabtidii, tababaraha Mikel Arteta wuxuu muujiyay rajo ah in Ødegaard iyo Havertz ay ciyaari karaan kulanka ay la leeyihiin kooxda LaLiga, balse labadoodaba laguma arkin tababarka furan.

Timber iyo Merino waa dhaawacyo muddo dheer maqnaa, inkastoo la rajeynayo inay soo laaban karaan kahor dhammaadka xilli ciyaareedka.

Dhanka wanaagsan, Bukayo Saka ayaa ka qayb qaatay tababarka kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac kulankii Fulham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga