Halyeeygii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa saadaaliyay kulanka lugta labaad ee semi-finalka UEFA Champions League ee u dhexeeya Arsenal iyo Atletico Madrid.
Gunners-ka ayaa martigelinaya kooxda ka dhisan LaLiga garoonka Emirates Stadium, iyagoo doonaya inay u gudbaan finalka.
Kulankii lugta hore ayaa ku dhammaaday 1-1, kadib markii Julian Alvarez uu barbareeyay gool uu rigoore ka dhaliyay Viktor Gyökeres.
Arsenal ayaa laga diiday fursad ay ku badin kareen kulankaas ka dhacay Wanda Metropolitano, kadib markii VAR uu baabi’iyay rigoore loo dhigay Eberechi Eze.
Carragher ayaa yiri isagoo ka hadlayay podcast-ka Gary Neville:“Waxaan u maleynayaa Arsenal inay gudbi doonto”
“Waxaan u arkaa inay ka fiican tahay Atletico Madrid. Si daacad ah haddii aan u hadlo, uma arko Atletico inay aad u fiican tahay.”
Be the first to comment