Loollanka loogu jiro u soo bixitaanka Champions League ayaa sii kululaanaya toddobaadkan, iyadoo Manchester United, Liverpool iyo Aston Villa dhammaantood ay ciyaarayaan.
Kaliya saddex dhibcood ayaa kala saara saddexdan kooxood ee jadwalka Premier League, iyadoo Manchester United ay hoggaanka u hayso kaalinta saddexaad kadib guushii 2-1 ay ka gaareen Brentford habeenkii Isniinta.
Liverpool iyo Aston Villa waxay wada leeyihiin 58 dhibcood, balse Liverpool ayaa ku jirta kaalinta afraad sababtoo ah farqiga goolasha oo ka wanaagsan.
Kaalinta shanaad ee Premier League sanadkan sidoo kale waxay xaq u siin doontaa ka qeybgalka Champions League, taasoo ka dhalatay waxqabadka fiican ee kooxaha Ingiriiska ay ka sameeyeen tartamada Yurub xilli ciyaareedkan.
Waxaa jirta suurtagalnimo in xitaa kooxda ku dhameysata kaalinta lixaad ay u soo baxdo tartanka ugu weyn Yurub, balse Aston Villa waa inay ka soo kabsato hal gool oo looga horeeyo kulanka semi-finalka Europa League ay la leeyihiin Nottingham Forest si arrintaas u suurtagasho.
Dhanka kale, kooxo badan ayaa rajeynaya inay ku soo dhex galaan shanta sare. Laga bilaabo Brighton oo ku jirta kaalinta lixaad ilaa Crystal Palace oo ku jirta kaalinta 13aad, siddeed kooxood ayaa wali xisaab ahaan fursad u leh inay u soo baxaan Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, wax walba way isbedeli karaan toddobaadkan.
Hadaba sidee Ayay Labada kooxood Ee Man United iyo Liverpool Ugu Soo bixi karaan Champions League Todobaadkan.
Manchester United waxay ogyihiin in haddii ay ka badiyaan Liverpool galabta Axadda ee garoonka Old Trafford, ay si rasmi ah ugu soo laabanayaan Champions League iyadoo weli saddex kulan ka harsan yihiin xilli ciyaareedka.
Guul ay Liverpool ku gaarto farqi labo gool ah waxay ka sarreyn kartaa United oo ay ka qaadi karaan kaalinta saddexaad, maadaama ay leeyihiin farqi goolal oo ka wanaagsan, waxaana sidoo kale suuragal ah inay xaqiijiso ku dhameysiga shanta sare.
Aston Villa ayaa iyaduna ciyaareysa maalintaas dambe kulanka ay la leedahay Tottenham, iyadoo rajeynaysa inay gaarto 61 dhibcood si ay uga dheeraato kooxaha sida Chelsea, Brentford, Fulham, Everton, Sunderland iyo Crystal Palace oo aysan markaas ka daba imaan karin.
Hadda, haddii Brighton iyo Bournemouth ay ku guuldareystaan inay ka adkaadaan Newcastle iyo Crystal Palace siday u kala horreeyaan, booska Manchester United ee Champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa la xaqiijin doonaa ka hor inta aysan bilaaban kulankooda Liverpool.
Liverpool waxay u soo bixi doontaa Champions League haddii ay ka adkaato Manchester United, isla markaana Brighton iyo Bournemouth ay labaduba ku guuldareystaan inay ka badiyaan Newcastle United iyo Crystal Palace siday u kala horreeyaan.
Aston Villa waxay u soo bixi doontaa Champions League haddii ay ka adkaato Spurs (Tottenham Hotspur), isla markaana Brighton iyo Bournemouth ay labaduba ku guuldareystaan inay ka badiyaan Newcastle United iyo Crystal Palace siday u kala horreeyaan.
Tani waxay sabab u tahay in Brighton iyo Bournemouth aysan gaari karin 61 dhibcood xitaa haddii ay badiyaan dhammaan saddexda kulan ee uga harsan xilli ciyaareedka.
Be the first to comment