Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kulanka Liverpool Iyo Man United

Difaacii hore ee England, Jamie Carragher, ayaa bixiyay saadaashiisa ku saabsan kulanka Premier League ee Axadda dhex mari doona Manchester United iyo Liverpool.

Labada kooxood waxay doonayaan inay u soo baxaan tartanka UEFA Champions League ee xilli-ciyaareedka soo socda, iyadoo kooxda uu hoggaamiyo Michael Carrick ay u muuqato inay si weyn ugu dhowdahay.

Dhanka Manchester United, haddii ay ka badiyaan Liverpool, waxay dhamaystiri doonaan “double” xilli-ciyaareedkan, maadaama ay hore ugu soo badiyeen Anfield.

Dhanka kale, Liverpool waxay doonayaan inay gaaraan saddex guul oo xiriir ah oo horyaalka ah.

Markii la waydiiyay saadaashiisa, Carragher wuxuu u sheegay Metro UK:

“Liverpool 2-1.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga