Wararka ayaa sheegaya in Liverpool ay ku jiraan wadahadallo horumarsan oo ay ku doonayaan inay kula soo saxiixaan ciyaaryahan beddel u noqon kara Curtis Jones, iyadoo heshiiskaas la filayo inuu jabiyo rikoor cusub oo suuqa kala iibsiga ah.
Jones ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Liverpool ee ku jira kooxda koowaad, balse taasi kama hor istaagi karto inuu xagaagan baxo.
Khadka dhexe ayaa la sheegay inuu ka niyad jabay fursad la’aanta booskiisa dabiiciga ah xilli ciyaareedkan.
Inkasta oo uu ciyaaray kulamo badan, haddana badankood wuxuu ku soo galay beddel.
mararka qaarna waxaa loo adeegsaday boos aan ahayn kii uu jeclaa, sida daafaca midig.
Qandaraaskiisa waxaa uga haray hal sano, wadahadalladii heshiis cusubna way istaageen. Sidaas darteed, wariyaya ay ka mid yihiin Fabrizio Romano ayaa xaqiijinaya in bixitaankiisu xagaagan aad u suuragal yahay.
Warbixin uu qoray wariyaha Matteo Moretto oo la shaqeeya Fabrizio Romano ayaa sheegaysa in Liverpool ay ku jiraan “wadahadallo horumarsan” si ay ula soo saxiixdaan da’yarka Adam Wharton, iyagoo ka hormaray xiisihii hore ee Real Madrid.
Sida la sheegay, Real Madrid sidoo kale waxay xiisaynaysay xiddiga Crystal Palace, balse Liverpool ayaa si dhab ah u dardargelisay heshiiska.
Warar hore oo kasoo baxay TEAMtalk (17-kii april) ayaa sheegay in Liverpool ay qorsheynaysay inay dhaqaaq u sameyso Wharton. Sidoo kale, xog-ogaal suuqa kala iibsiga Graeme Bailey ayaa sheegay in ciyaaryahanku diyaar u yahay inuu kooxda beddelo, halka Crystal Palace aysan diidi doonin haddii qiimaha ay rabaan la bixiyo.
Qiimahaas ayaa lagu qiyaasay £70 milyan. Haddii heshiiskaas dhaco, wuxuu noqon doonaa rikoor cusub oo ay sameyso Crystal Palace, isagoo ka sare Mari doona heshiiskii Eberechi Eze oo lagu iibiyay £68 milyan markii uu u wareegay Arsenal—taasoo ahayd iibkii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda ilaa hadda.
Be the first to comment