Xiddiga weerarka Mohamed Salah ee Liverpool FC ayaa shaaca ka qaaday in wada hadal uu la yeeshay halyeeyga kooxda Steven Gerrard uu sabab u noqday inuu ka noqdo go’aan uu kaga tagi lahaa kooxda bishii january.
Salah ayaa qorsheynayay inuu ka tago Liverpool kadib markii uu khilaaf kala kulmay tababaraha cusub Arne Slot.
Laakiin weeraryahanka 33-jirka ah ayaa beddelay go’aankiisa kadib markii Gerrard uu booqday gurigiisa, isagoo kula taliyay inuu ka tago kooxda waqtiga uu isagu doorto.
Salah ayaa hadda xaqiijiyay inuu ka tagayo Liverpool xagaagan isagoo noqonaya ciyaaryahan xor ah (free agent).
Wareysi uu siiyay TNT Sports, Salah wuxuu yiri:
“Dadku ma ogeyn inaad gurigayga timid, waan wada hadalnay si fiican.
“Waxaad ii sheegtay fikirkaaga, runtii waan ka mahadcelinayaa”
“Waan ku faraxsanahay inaan hadda ka tagayo anigoo albaabka weyn ka baxaya”
Taasi waa wax aad ii sheegtay – ka tag adigoo shuruudahaaga ku baxaya, weli waan xasuustaa erayadaas”
“Waan ku faraxsanahay. Wax kasta oo xilli ciyaareedkan socda waxay iga dhigayaan inaan dhaho: ‘Maya, waa waqtigii aan bixi lahaa.’”
Be the first to comment