Tababaraha Jose Mourinho ee Benfica ayaa ku adkaystay in aanu jirin wax xiriir ah oo dhexmaray isaga iyo Real Madrid.
Mourinho, oo hore u soo maamulay Real Madrid intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2013, ayaa la aaminsan yahay inuu yahay musharraxa uu doorbidayo madaxweynaha kooxda Florentino Perez.
Alvaro Arbeloa ayaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay hoggaanka Real Madrid kadib markii la ceyriyay Xabi Alonso, balse waxaa la filayaa in la beddelo xagaaga kadib markii kooxda ay laba xilli ciyaareed oo isku xigta ku guuldareysatay inay ku guuleysato wax koob weyn ah.
Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa sheegay in aan wali cid ka tirsan kooxda LaLiga ay la soo xiriirtay.
“Cidna oo ka socota Real Madrid ima aysan soo wicin. Waxaan si buuxda u xaqiijin karaa taas,” ayuu u sheegay warbaahinta.
“Waxaan kubadda cagta ku jiray sanado badan, waxyaabahan waan la qabsaday… laakiin wax xiriir ah kama jiro Real Madrid.
“Waxaan qandaraas hal sano ah uga haray Benfica, taasina waa waxa kaliya ee jira.”
Be the first to comment