WARBIXIN: Sidee Ayay Liverpool U Buuxin Karta Booska Mohamed Salah Iyada Oo Lala Xidhiidhinayo Bradley Barcola & Yan Diomande?

Xagaagii hore, kooxda Arne Slot ayaa kharash gareysay lacag rikoor ah oo dhan £446.5 milyan, iyagoo jebiyay rikoodhka suuqa kala iibsiga ee Britain laba jeer si ay ula soo saxiixdaan xiddiga  Florian Wirtz iyo weeraryahanka Alexander Isak oo ay kala soo wareegeen Newcastle United.

Labadan ciyaaryahan ayaa la filayaa inay noqdaan laf-dhabarta weerarka Liverpool sanadaha soo socda, balse inkastoo Wirtz uu muujiyay waxyaabo wanaagsan, xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Anfield ma uusan ahayn mid la yaab leh, halka Isak uu dhaawacyo darteed maqnaa inta badan xilli ciyaareedka.

Garabka bidix, Liverpool waxay iibisay Luis Diaz oo u wareegay Bayern Munich, inkastoo ay heleen £65.5 milyan, haddana booskiisa lama keenin ciyaaryahan cusub.

Sidaas darteed, suuqa xagaaga 2026 waxaa la filayaa in Liverpool ay xoojiso garbaha weerarka, iyadoo lala xiriirinayo Bradley Barcola iyo Yan Diomande. Sports Mole ayaa eegaysa sida ay labadan ciyaaryahan u beddeli karaan Mohamed Salah.

Sidee ayuu Bradley Barcola uga caawin karaa Liverpool inuu beddelo Luis Diaz (iyo Sadio Mane)?

Iyadoo Diaz uu qaab ciyaareed fiican ka sameeyay Bayern, haddana falanqeeyayaal sida Micah Richards iyo Jamie Carragher ayaa su’aal geliyay sababta Liverpool u iibisay.

Si kastaba, Diaz inkastoo uu ahaa ciyaaryahan dadaal badan, marar badan ma keenin tirooyin (goolal iyo caawin) ku filan koox tartameysa. Tusaale ahaan, xilli ciyaareedkii hore wuxuu hal gool oo keliya dhaliyay inta u dhaxeysay Janaayo 5 ilaa Abriil 2.

Guud ahaan, Diaz wuxuu sameeyay 17 gool iyo 5 caawin 50 kulan (2024-25), halka Bradley Barcola uu sameeyay 21 gool iyo 18 caawin isagoo u ciyaaraya Paris Saint-Germain.

Sidoo kale Champions League, Barcola wuxuu sameeyay 3 gool iyo 4 caawin, halka Diaz uu sameeyay 3 gool oo kaliya.

Inkasta oo tirakoobku uusan ahayn wax walba, Diaz waxaa lagu dhaliilay inuusan gaarin heerkii Sadio Mane, kaas oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Liverpool u dhaliyay 13 gool islamarkaana bixiyay 7 caawin.

Sidaas darteed, Barcola wuxuu noqon karaa horumar dhinaca goolal iyo caawin ah, inkastoo laga yaabo in uu ka yara hooseeyo marka la eego dribbling-ka hal-ka-hal.

Sidee ayuu Yan Diomande uga caawin karaa Liverpool inuu beddelo Mohamed Salah?

Mohamed Salah ayaa jabiyay rikooro badan tan iyo markii uu Liverpool kaga soo biiray AS Roma sanadkii 2017, waxaana aad u adag in si toos ah loo beddelo.

Si kastaba, culayska goolashiisa waxaa wadaagi kara Isak iyo Barcola, halka Yan Diomande uu keeni karo awood cusub oo dhinaca garabka midig ah.

Diomande, oo 19 jir ah, ayaa ka mid ah xiddigaha ugu iftiinka badan Bundesliga, isagoo sameeyay 13 gool iyo 9 caawin xilli ciyaareedka 2025-26.

Wuxuu sidoo kale leeyahay taabashooyin badan (65 taabasho 90-kii daqiiqo), taas oo ka badan ciyaartoy badan oo kale sida Barcola, Cody Gakpo iyo Salah.

Sidoo kale, wuxuu sameeyaa 39.7 baas 90-kii daqiiqo, taas oo muujinaysa inuu hoggaamin karo weerarka.

Mid kale oo uu ku fiican yahay waa dribbling-ka, isagoo sameeya 4.4 isku day 90-kii daqiiqo oo leh 60% guul, taas oo ka fiican Diaz.

Marka la eego xaqiiqda ah in aan si fudud loo beddeli karin Salah iyo Mane, Diomande iyo Barcola waxay wadajir u abuuri karaan weerar cusub oo Liverpool ah, inkastoo qaabkoodu ka duwanaan doono kii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga