Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ay la kulmi doonto “ciyaar adag” marka ay u safraan Spain si ay ula ciyaaraan Atletico Madrid lugta hore ee nus-dhamaadka Champions League habeenka Arbacada.
Merson ayaa sidoo kale ku booriyay tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, inuu weeraryahan Viktor Gyokeres ku soo bilaabo ciyaarta ka dhanka ah kooxda La Liga.
Waxaa la xusuustaa in Arsenal ay u soo baxday wareegga afar dhammaadka kadib markii ay 1-0 guud ahaan kaga adkaatay Sporting CP wareegga sideed dhammaadka.
Dhanka kale, Atletico Madrid ayaa tartanka ka reebtay Barcelona.
Merson wuxuu yiri:“Aniga ahaan, Gyokeres waa inuu ciyaaraa Yurub habeenka Arbacada sababtoo ah wuxuu awood u leeyahay inuu kubadda haysto”
“Arsenal cadaadis ayay la kulmi doontaa, waxayna noqon doontaa ciyaar adag oo ka dhacaysa Madrid”
“Waqtigaas ayaad u baahan tahay Gyokeres si uu kuu keeno kubbad laga tuuro (throw-in) dhinaca garoonka.”
Be the first to comment