Luis Enrique Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Ugu Fiican Yurub Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha Paris Saint-Germain, Luis Enrique, ayaa magacaabay labada koox ee ugu fiican Champions League.

PSG waxay martigelin doontaa Bayern Munich lugta hore ee wareegga nus-dhamaadka habeenka Talaadada.

Kahor ciyaarta, Enrique ayaa u sheegay warbaahinta in labadan koox ay yihiin kuwa ugu sarreeya ee weli ku haray tartanka.

Enrique xitaa wuxuu qiimeeyay PSG iyo Bayern inay ka sarreeyaan Arsenal, inkastoo Arsenal aysan weli wax guuldarro ah la kulmin tartanka.

Wuxuu yiri:“Ma jiro koox naga fiican. Hore ayaan sidaas u sheegay kadib markii aan ka haray 8-da sare”

“Kuwani waa labada koox ee ugu fiican Yurub, inkastoo Arsenal ay sidoo kale xilli ciyaareed fiican sameysay”

“Marka laga eego joogteynta, Bayern wax yar ayay naga horreysaa sababtoo ah waxay kaliya lumiyeen laba kulan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga