Inaad 9 dhibcood oo nadiif ah ku horayso horyaalka iyadoo keliya 7- kulan ka harsan tahay waa riyo uu macalin walba doonayo inuu arko, laakiin aan ku qabsado! si walba sidaad u moodo ma ahan oo halkaan waa Premier League keliya sadex kulan oo harsan ayaa horyaalka faro laab iyo firimbi wada socda lagaaga faramaroojin karaa!.
Hadaba Maxamuud Cabdi Saciid Fantastic ayaa kuu soo koobaya afar Qodob oo go‘aamin kara in horyaalka lugu kala qaado, haba u jan-jeeree dhanka Arsenal.
* Ku badi Etihad oo Ku dabaal-deg Isla Halkaas.
Taloow miyeey Arsenal ku badin karta halkaas? Waa su‘aal fac wayn, laakiin saadaaliyaasha qaar oo uu ugu horeeyo Jamie Carragher, haba iska ahaade nin hadba meel loo jeedin karo ayaa fikirkaan qaba, laakiin ku badinta Etihad iyo garacitaanka Pep ee godkiisa ma ahan mid u fudud xerta Arteta ilaa Wenger-kii ka horeeyey oo habeenkii saaxir Cazorla ku dhaanteeyey ayaa ugu dambaysay markaas oo ay 2:0 kusoo badiyeen, Giroud ayaana goolka labaad dhaliyey.
Arsenal waa kooxda haysta ciyaartooyda ugu wanaagsan Horyaalka awood buuxda ayeey u leeyihiin inay kusoo badiyeen halkaas, laakiin ka qaadidii koobkii EPL iyo ku baashaalidii ay sameeyeen City kulankii Wembley ayaa wax walba lama arkaan ku noqon karta Arsenal.
Xataa bareejo ay hesho Gunners dhinac ayeey u ridaa, keliya shan kulan oo dhiman iyo 9-dhibic oo horayn ah, waa calaamad wayn oo na tusaysa Arsenal oo ka baxday Inkaartii horyaalka ee aysan dhunkan mido 22-sano ah.
* City Oo Etihad ku Dubata Arsenal!.
Hadii ay City disho kulankaan kooxda foor-gacanka iyo Koornadda rabta inay ku qaado horyaalka Pl, waxay ku tusaysa in farqiga dhibcaha uu noqdo Lix dhibcood iyo weliba kulan usii baaqi ah Pep, markaas xaaladu waxay noqon doonta sadex dhibcood iyo shan kulan oo horyaalka ka dhiman, Taasina milix ayeey noogu dari doontaa inaan daawano horyaal labo Koox u dhaxeeya.
Arsenal ayaana intaas ka dib aadi doonta ( u safri doonta ) Westham oo ka cararaysa inay ka dhacdo horyaalka isla City-na labo dhibcood kala hartay, sidoo kale Arsenal waxay soo dhowayn doontaa Newcastle United oo laf-dhuun gashay waayadan ku ahayd iyaga, laakiin weli wax walba gacmaha Arsenal ayeey ku jiri doonaan.
* Chelsea oo Jidiinka jiida Cityzen.
Hadda waxaan ka hadlaynay kulanka Arsenal & City ee Etihad Stadium, laakiin inta aan safarkaas la gaarin waxaa ka horeeya safar City ay ku booqan doonto Stamford bridge!
Aniga Fantastic ahaan waxbaa i leh kulankaan City fariinka ayaa loo jiidi doonaa oo ugu yaraan dhibco ayeey lumin doontaa marka loo eego Chelsea oo u dagaalamaysa usoo bixitaanka Champions League Xilli ciyaareedka soo socda, laakiin Mr Okiyaale iyo kooxdiisu isku halayn ma leh, mar way badinayaan marna Gurigooda ayaa lugu baartaa sida kulankii ugu dambeeyey horyaalka ee ay Newcastle United halkaas ku dubatay.
Aan kuusoo koobo hadalka saaxiib, Arsenal hadii ay ka badiso Bournemoth oo sabtida isbuuca dambe soo booqan doonta Emirates markaas 12-dhibcood oo nadiif ah ayeey hogaanka ku qaban doontaa, isla Axada City ayaa u safri doonta Bridge, hadii Blues aano qabiil gasho oo Pep beerka uga dhacdo markaas deriskooda ayeey horyaalka gacanta u geliyeen, hadii laakiin City kusoo badiso halkaas, sida kulankii Anfield, horyaalku waa mid furan oo aan laga xiisa dhici doonin.
* Fulaynimadda Mikel iyo Geesinimadda Pep!
Ma jirto labo wiil oo ay hooyo wada dhashay oo isku mid ah! Mid waa macangag geesi ah oo halista u bareera, midna waa hooyadiis Magablanto oo waa baqdin badan yahay, sidaas ayeeyna kala yihiin Pep & Mikel, oo wiil iyo macalinkiisa kala ah.
Pep khibrqd buuxda ayuu u leeyahay inuu horyaalka qaado oo waa geesi halista u bareera, og-na ciyaartooyga u qalma inuu safo xataa hadii uu yahay mid hadda kasoo baxay Akadeemiyadda kooxda, waana mid aan wada aragnay mudo dheer oo wiilka qaab-ciyaareed fiican soo bandhiga ayuu Heeryadda u tuurtaa, halista oo aad u bareerto waa mid marar kugu hogaamisa inaad gaarto hadafkaaga!
Taas Cagsigeeda Arteta oo ah macalin aan marnaba la qarin karin tayadiisa, hadana mararka qaar waa Nin aad u baqa oo kulamo uu badin karo ayuu difaac kuu galayaa, mararka qaar koox iyadiiba Tabcaan ah oo Arsenal ka cabsanaysa ayuu leeyihiin, “ Dhulkiina Ilaashada” oo difaac ii ciyaara, keliya koornadda iyo fooro-gacanka ayaan Tarabuunka idiinka soo ducaynayaa inaad ii dhalisaan.
Sida aan marar badan aragnay Ciyaartooy ay ka jiifto oo aan qaab-ciyaareed soo bandhigayn ayuu garoonka ku hayaa, Saka- ma ahan kii aan naqiinay oo hadda sida uu heshiis cusub u saxiixay xaaladiisa waa bariga dhexe, markaas oo kale fursad iyo Aamiinaad sii 16-jirka Dahabaiga ah Max dowman, laakiin Arteta ma lahan geesinimadaas oo kale oo weli waxa uu leeyihiin Lix iyo Toban jir Heeryadadayda uma dhiiban karo!.
Isku soo wada duuboow Arsenal ayaa haatan Qarka u saran inay horyaalkaan ku faataxaysato, wax walbana iyada gacanteeda ayeey ku jiraan, keliya 7-kulan ayaa uga harsan inay kaga baxaan Abaar iyo Inkaar wada socota oo dhago waynahaan ah, laakiin hadii maskax ahaan iyo jir ahaan u daciifaan City ayaa markale Taariikh samayn karta oo Gunners inkaarsan karta!
Adiga Aqriste maxay kula tahay?
Wariye Maxmuud Fantastic : ka raac bartiisa facebook
warbixin cajiib ah