Xulka Somalia Oo Guul Taariikhi Ah Gaadhay.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius, taasoo qeyb ka ahayd isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika 2027 (AFCON).

Ciyaartan oo ahayd lugta labaad ee isreeb-reebka ayaa waqtigii caadiga ahaa ku soo dhammaatay barbaro goolal la’aan ah (0–0).

Ugu dambeyn, rigoorayaal lagu kala saaray labada dhinac, iyadoo xulka Soomaaliya uu ku adkaaday 4–2.

Wiilasha Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay xirfad, kalsooni iyo dadaal xooggan, taasoo u sahashay inay guusha gaaraan.

Guushan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xulka Soomaaliya u gudbo marxaladda xigta ee isreeb-reebka AFCON 2027, oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga