Daafaca kooxda Liverpool ee Ibrahima Konaté ayaa sheegay in kooxda Liverpool soo laaban doonto xilli ciyaareedka dambe.
Liverpool oo difaacanaysay premier League xilli ciyaareedkan ayaa si weyn u dhibaatootay iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier League.
“Waxaan keenaynaa ciyaartoy cusub, waan la qabsan doonaa, waan isku dayi doonaa inaan is fahanno, ugu dambeyntiina, waqti ka dib, waxaan ku guuleysan doonaa koob.”ayuu Konate yidhi.
“Waan guuleysan doonaa, marka aan ku guuleysanno Premier League ama UEFA Champions League, dadka waxay illoobi doonaan xilli ciyaareedkii xumaa ee aan soo maray, sababtoo ah hadda waxaan ku guuleysanay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.”
“Tani waa qayb ka mid ah guusha, waana inaan deganaanno, sababtoo ah waxaan leenahay taageerayaal cajiib ah. Waa inaan isku duubnaannaa, guushuna way iman doontaa, shaki la’aan.”
Be the first to comment