“Mikel Arteta Waxa Uu Ku Dayday Xeeladihii Sir Alex Ferguson Si Uu Ugu Guulaysto Horyaalka”

Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu ka dayday xeeladihii uu adeegsan jiray halyeyga Sir Alex Ferguson intii uu joogay Old Trafford, si uu ugu guuleysto Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Gunners ayaa heysata toddobo kulan oo u haray, iyadoo 9 dhibcood ka sarreysa Manchester City.

Kaddib markii ay ku guuldarreysteen final-ka Carabao Cup oo ay ka adkaatay Manchester City, dhowr ciyaaryahan oo Arsenal ah ayaa ka baxay kulamadii xulalkooda qaranka sababo la xiriira dhaawacyo iyo daal.

Ferdinand, oo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube, ayaa sheegay in Arteta uu cadaadis saaray ciyaartoydiisa.

“Waxaa cad in tababaraha uu leeyahay dhageysta, tani waa fursaddii ugu horreysay ee aan ku guuleysan karno horyaalka, waa inaan diyaar noqonnaa, waxaan u baahanahay tamartiinna, kulamadan xulalka qaranka waa saaxiibtinimo oo keliya,” ayuu yiri Ferdinand.

“Hadalkan waxaan ka maqlay Sir Alex Ferguson, sidaas darteed waan fahamsanahay. Ciyaartoydu si toos ah ayay u fahmeen: tani waa mudnaanteenna ugu weyn, waa inaan ku guuleysannaa horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga