Tababaraha xulka Spain, Luis de la Fuente, ayaa ku adkaystay in kooxdiisu ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad ee ku guuleysan kara World Cup 2026.
Spain waxay ku jirtaa Group H ee tartanka, waxaana ay la ciyaari doontaa xulalka Cape Verde, Saudi Arabia iyo Uruguay, iyadoo tartanku bilaabanayo saddex bilood gudahood.
Isagoo ka hadlayay wareysi uu bixiyay ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Spain la ciyaari doonto Egypt maalinta Talaadada, De la Fuente ayaa sidoo kale qiray in kooxdiisu ay tahay inay soo bandhigto ciyaar aad u dhameystiran (perfect performance) si ay ugu guuleysato koobka adduunka.
Wuxuu yiri: “Shaki kuma jiro inaan ka mid nahay kuwa ugu cadcad (ku guuleysiga Koobka Adduunka), waanan jeclahay taas, mana ka cabsanayo caqabadda.”
“Waa inaan soo bandhignaa ciyaar dhameystiran si aan u guuleysanno, sidoo kale waan ognahay inay jiraan kooxo kale oo nala mid ah oo aad u xooggan.”
“Annaga, kulamadan aad bay muhiim u yihiin. Tan iyo Isniintii la soo dhaafay, waxaan horey u bilownay diyaarinta Koobka Adduunka.”
“Taasi waa diiradda aan saarannahay, waxaanan si buuxda ugu jeednaa kaliya yoolkaas.”
Spain ayaa kulankan la gelaysa kadib markii ay 3-0 ku garaacday Serbia kulankoodii saaxiibtinimo ee ugu dambeeyay.
Markii ugu dambeysay ee Spain ay ku guuleysato Koobka Adduunka waxay ahayd sanadkii 2010 ee lagu qabtay Koonfur Afrika.
Be the first to comment