Jose Mourinho Oo Ballaayo Ku Dhigay Arsenal Iyo Arteta.

Tababaraha kooxda Benfica Jose Mourinho ayaa ku Digtay kooxda Arsenal Oo Xiddigaha ugu badan Ka Saartay Waajibaadka Xulalkooda.

Ugu yaraan 10 Xiddig Oo Arsenal ah ayaa Laga Saaray Waajibaadka Xulalkooda taas oo muran badan dhalisay Jose Mourinho ayaa Sheegay in Xiddigaha Iyo tababarayaaashoodu been Ka sheegayaan Dhaawaca so ay Uga baxaan Kulamada heerka caalami uguna nastaan kooxda.

“Tababarayaasha casriga ah iyo ciyaartoyda maanta ayaa si tartiib tartiib ah u burburinaya ciyaarta”

“Tani ma aha kubaddii aan horay u naqaanay—waxay noqotay wax gebi ahaanba ka duwan sidii ay ahayd. Runtii waa wax niyad jab leh”

“Waxaa jiray waqti ay ciyaartoydu ku faani jireen oo ay ku farxi jireen inay matalaan dalalkooda, Hadda, markasta oo ay timaado fasaxa caalamiga ah, waxaa la maqlayaa marmarsiiyo—dhaawacyo, daal, taxaddar. Si lama filaan ah, qofna ma doonayo inuu ciyaaro”

“Haddii arrintani sii socoto, dhowr sano gudahood kubaddu waxay lumin doontaa ruuxdeeda. Waxay noqon doontaa mid la xakameeyo, la saadaalin karo… oo u eg wax hore loo qorsheeyay”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga