Bernardo Silva ayaa si dadban u muujiyay in uu ku dhow yahay inuu ka tago Manchester City, isagoo sheegay in xilli ciyaareedkan uu noqon karo kii ugu dambeeyay ee uu ku qaato kooxda horyaalka Ingiriiska, kadib sanado badan oo uu ku hoos ciyaarayay Pep Guardiola.
Magaca Silva ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda xagaaga soo socda, iyadoo warar ay sheegayaan inuu aad ugu dhow yahay inuu ku biiro FC Barcelona.
Isagoo la hadlayay warbaahinta rasmiga ah ee kooxda, Silva wuxuu sharaxay in arrimo dhaqan (culture) ay door weyn ka qaateen fikirkiisa bixitaanka, isagoo yiri:
“Nolosha Manchester dhinaca dhaqanka iguma habboona sida aan jeclaan lahaa,” isagoo ula jeeday kala duwanaanshaha u dhexeeya England iyo Portugal ee dhinaca cimilada iyo qaab nololeedka”
Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo uu aad u jecel yahay kooxda, saaxiibadiisa iyo taageerayaasha, haddana noloshiisa ka baxsan kubadda cagta aysan mar walba u socon sidii uu rabay.
Wuxuu xusay inuu horay uga fikiray inuu baxo sababtan awgeed, balse aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex jirta isaga iyo kooxda ama garoonka dhexdiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Silva wuxuu cadeeyay inuusan ka qoomamayn joogitaankiisa Manchester City, isagoo sheegay in waqtigiisa halkaas uu u suurtageliyay inuu gaaro guulo taariikhi ah, gaar ahaan saddexleyda, iyo sidoo kale ku guuleysiga dhowr horyaal. Wuxuu intaas ku daray inuu ka tagi doono kooxda isagoo ku faanaya wixii uu u qabtay.
Be the first to comment