Ancelotti Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Kara Koobka Addunka

Carlo Ancelotti, oo ah tababaraha xulka Brazil, ayaa ka jawaabay dhaleeceynta ku saabsan qaab ciyaareedkiisa, isagoo sidoo kale saadaaliyay sida loo guuleysto FIFA World Cup 2026.

Ancelotti wuxuu xusay in xulalkii hore ee Brazil ay si fiican u isku dheelli tirayeen weerarka iyo difaaca si ay u guuleystaan koobabka.

Wuxuu yiri:“Joga Bonito? Brazil waxay ku guuleysatay labadii koob ee ugu dambeeyay ee ay qaaddo iyagoo isku daray hibada iyo difaac adag”

“Sanadkii 2002 waxay ku ciyaarayeen saddex daafac dhexe, halka 1994 ay isticmaaleen laba saf oo afar ah si ay u taageeraan Romário.”

Ancelotti ayaa sidoo kale cadeeyay in sirta guusha Koobka Adduunka aysan ahayn goolal badan oo la dhaliyo, balse ay tahay difaac adag:

“Koobka Adduunka waxaa ku guuleysta Xulk laga dhaliyo goolasha ugu yar, ma aha tan dhalisa kuwa ugu badan. Ma jecli in la i yiraahdo waxaan ahay tababare difaac badan, laakiin taasi waa furaha guusha xul kasta.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga