“Arsenal Way Ku Guulaysan Kartaa Saddex Koob”

Daafaca Arsenal, Cristhian Mosquera, ayaa ka hadlay fursadaha kooxda ee ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Gunners ayaa hoggaanka haysa iyadoo 9 dhibcood ka sarreysa kooxda ugu dhaw , iyadoo ay ka harsan yihiin 7 kulan oo keliya, waxayna rajeynayaan inay qaadaan horyaalkoodii ugu horreeyay muddo ka badan 20 sano.

Mosquera ayaa rajo weyn ka muujiyay in Arsenal ay awood u leedahay inay guul ka gaarto dhammaan tartamada ay ku jirto, oo ay ku jiraan FA Cup iyo UEFA Champions League, inkastoo ay ka hareen EFL Cup.

Isagoo ka hadlayay guulaha yaraaday ee kooxda sanadihii u dambeeyay, Mosquera wuxuu aaminsan yahay in sanadkan uu yahay waqtigii Arsenal ay dib u soo laaban lahayd oo ay koobab ku guuleysan lahayd.

“Sanadihii u dambeeyay, Arsenal si buuxda uma gaadhin yoolalkii ay lahayd, laakiin waxaan aaminsanahay inaan diyaar nahay sanadkan”

“Waan ognahay inaan haysanno fursad aan koobab ku guuleysanno. Waxaan sameyn doonnaa wax walba oo aan awoodno si aan farxad ugu keeno taageerayaasha”

UEFA Champions League, waxaan u maleynayaa inaan si fiican u ciyaareyno sanadkan, hadda waxaan joognaa wareega sideed dhammaadka, waxaana rajeynayaa inaan sii soconno oo aan ku guuleysanno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga