Weeraryahankii hore ee England, Gary Lineker, ayaa qirtay in laba xul ay ka horreeyaan England marka laga hadlayo ku guuleysiga Koobka Adduunka 2026.
Lineker wuxuu sheegay in Spain iyo France ay yihiin kuwa ugu dhow hanashada koobka, inkastoo uu ku adkaystay in England ay tahay “mid ka mid ah kooxaha ugu cadcad”.
Tababaraha England, Thomas Tuchel, ayaa doonaya inuu dalkaas ku hoggaamiyo koobkoodii labaad ee Koobka Adduunka.
Haddii ay ku guuleystaan, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay muddo 60 sano ah.
Lineker, oo ahaa gooldhaliyihii ugu sarreeyay ee Koobka Adduunka 1986, ayaa sidaas ku sheegay podcast-ka The Rest is Football:
“Koobka Adduunka aad buu u soo dhow yahay hadda”
“Waan ogahay in Spain ay yihiin kuwa ugu cadcad , waxaana si dhow ula socda England, France, Argentina iyo Brazil. Waxaan u arkaa inay yihiin shanta kooxood ee ugu waaweyn”
“Laakiin anigu Spain ayaan dooranayaa. England waa mid ka mid ah kuwa ugu cadcad, balse aniga ahaan Spain ayaa naga horreysa, sidoo kale France.”
Be the first to comment