Mbappé Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Garaaci Karta Bayern Munich.

Weeraryahanka Kylian Mbappé ee Real Madrid ayaa fariin u diray kooxda weyn ee Bundesliga, Bayern Munich, isagoo ka hadlay kulanka la filayo ee UEFA Champions League ee labada kooxood ay foodda is dari doonaan bisha soo socota.

Mbappé ayaa haatan u ciyaaraya xulkiisa France, isagoo dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee France ay kaga badisay Brazil 2-1 kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Gillette Stadium ee Boston khamiistii.

Ciyaaryahanka reer France ayaa ku jira xilli ciyaareed aad u wanaagsan oo uu la qaadanayo Real Madrid, isagoo dhaliyay ku dhowaad 40 gool tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 13 gool 9 kulan oo Champions League ah.

“Haa, dabcan waxaan rabaa in ay ay  Real Madrid ku guaysato,” ayuu Mbappé ku yiri barnaamijka Telefoot ee TF1.

Isagoo ka jawaabaya walaaca qaar ka mid ah dadka Spain ka jira oo ka baqaya inuu diiradda saarayo Koobka Adduunka 2026,Mbappé wuxuu yiri:

“Spain gudaheeda, qaar ayaa walwal ka qaba inaanan ciyaari doonin – waxay u maleynayaan inaan si toos ah ugu jeesanayo Koobka Adduunka.

“Laakiin tani waa mid aad muhiim u ah. Waxaan wali ku jirnaa tartanka La Liga iyo Champions League”

“Champions League-ka, waxaan wajahaynaa koox aad u adag, laga yaabo inay tahay kooxda ugu form-ka fiican hadda. Haddii ay jirto hal koox oo garaaci karta, waa Real Madrid.”

Mbappé iyo saaxiibadiis ayaa si fudud uga soo gudbay wareegga 16-ka kadib markii ay ku garaaceen Manchester City wadar ahaan 5-1, halka ay hore uga soo gudbeen play-off-ka iyagoo ka adkaaday Benfica.

Dhanka kale, Bayern Munich ayaa si xoog leh ku soo baxay kadib markii ay ku xasuuqeen Atalanta wadar ahaan 10-2, taasoo u sahashay inay gaaraan wareegga quarter-final-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga