Barcelona Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Robert Lewandowski

BARCELONA, SPAIN - NOVEMBER 12: Robert Lewandowski of FC Barcelona celebrates after scoring the team's second goal during the LaLiga EA Sports match between FC Barcelona and Deportivo Alaves at Estadi Olimpic Lluis Companys on November 12, 2023 in Barcelona, Spain. (Photo by Eric Alonso/Getty Images)

Kooxda Barcelona ayaa dejisay shuruud ay ku cusbooneysiin karto heshiiska weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, sida ay sheegeen warbaahinta Spain.

Ciyaaryahankan oo 37 jir ah ayaa noqon doona ciyaaryahan xor ah dhammaadka xilli ciyaareedkan, marka uu dhamaado heshiiskiisa Barcelona.

Wargeyska Sport ayaa sheegay in Barcelona ay diyaar u tahay inay u bandhigto Lewandowski heshiis hal sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaantay in heshiiskaas uu ku xirnaan doono hal shuruud oo muhiim ah:

👉 In mushaharkiisa si weyn loo dhimo, ilaa 50%.

Kooxda ayaan hubin in Lewandowski uu aqbali doono shuruudahaas.

Sidoo kale, wargeysku wuxuu sheegay in xiddiga reer Poland uusan ku degdegi doonin go’aankiisa, maadaama uu doonayo inuu si cad u fahmo doorkiisa kooxda ka hor inta uusan saxiixin heshiis cusub.

Barcelona ayaa filaysa in Lewandowski uu go’aan kama dambeys ah gaaro inta u dhaxaysa dhammaadka bisha Abriil iyo bilowga May, si ay kooxda waqti ugu hesho inay qorsheeyaan suuqa kala iibsiga haddii loo baahdo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga