Xulka qaranka Spain ayaa liiska Ka saaray xiddiga Martin Zubimendi iyaga u diray kooxdiisa Arsenal.
Zubimendi oo 27 jir ah ayaa ka baxay xerada Spain ka hor ciyaarta saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin Masar, isagoo qaba dhaawac jilibka ah.
Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri:“Martín Zubimendi wuxuu ka baxay liiska xulka qaranka Spain sababo la xiriira xanuun ka haya jilibka midig”
“Si looga fogaado halis kasta loona ilaaliyo caafimaadka ciyaaryahanka, waxaa la go’aamiyay in laga saaro xulka”
“Shaqaalaha caafimaadka ee Arsenal FC ayaa lagu wargeliyay dhammaan habraaca arrintan la xiriira.”
Be the first to comment