DEG-DEG: Tottenham Oo Shaqada Ka Caydhisay Igor Tudor

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah u shaacisay inay shaqada ka ceyrisay tababarihii ku meelgaarka ahaa Igor Tudor.

Tudor iyo shaqaalihiisii ayaa isla markiiba ka tagaya Spurs, sida lagu sheegay war maanta galabtii la soo saaray.

Tababaraha reer Croatia ayaa xilka qabtay xilli ay kooxda la kulantay afar guuldarro oo xiriir ah horyaalka bilowgii muddadiisa gaaban, ka hor inta uusan helin barbaro daqiiqadihii dambe ah oo ay la galeen Liverpool FC 15-kii Maarso.

Si kastaba ha ahaatee, toddobaad kadib wuxuu arkay kooxdiisa oo gurigeeda 3-0 kaga badisay Nottingham Forest, taasoo noqotay sababtii ugu dambeysay ee keentay in la eryo.

Tottenham ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri:

“Waxaan xaqiijin karnaa in si wadajir ah la isku raacay in Tababaraha Koowaad Igor Tudor uu si degdeg ah uga tago kooxda”

“Tomislav Rogic iyo Riccardo Ragnacci ayaa sidoo kale ka tagay xilalkoodii Tababaraha Goolhayayaasha iyo Tababaraha Jirdhiska”

“Waxaan uga mahadcelinaynaa Igor, Tomislav iyo Riccardo dadaalkooda lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, halkaas oo ay si hagar la’aan ah u shaqeeyeen. Sidoo kale waxaan la soconaa geerida dhowaan ku dhacday Igor, waxaana u diraynaa taageero isaga iyo qoyskiisa xilligan adag”

“War ku saabsan tababaraha cusub ee kooxda ayaa la soo bandhigi doonaa waqti ku habboon.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga