Wararkii Ugu dambeeyay ee Liverpool oo hal meel Laguugu Soo uruuriyay
Xiisaha Diomande oo mar kale la xaqiijiyay
Liverpool ayaa u aragta xiddiga da’da yar ee RB Leipzig Yan Diomande inuu ka mid yahay “saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya” ee lagu beddeli karo Mohamed Salah, sida uu sheegay Sky Germany.
Weriyaha Florian Plettenberg ayaa sheegay in xiisahaas mar kale loo xaqiijiyay, balse Leipzig waxay dalbanaysaa ilaa €100 milyan si ay u iibiso ciyaaryahanka reer Ivory Coast.
Salah ma aadayo Miami
Dhanka Mohamed Salah, mustaqbalkiisa weli lama hubin, iyadoo ay xiiseynayaan kooxo ka socda Sacuudi Carabiya, Major League Soccer iyo Yurub, sida uu sheegay Fabrizio Romano.
Liverpool oo diyaar u ah in ay dalab Ka gudbiso Murillo
Liverpool waxay xiiseyneysaa daafaca Nottingham Forest Murillo, waxayna diyaar u tahay inay gudbiso dalab weyn, sida ay sheegtay TEAMtalk.
Ciyaaryahanka Brazil ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda xagaagan, iyadoo Liverpool ay safka hore kaga jirto kooxaha doonaya beddelka mustaqbalka ee Virgil van Dijk. Waxaa la sheegay in Liverpool ay bixin karto ilaa €80 milyan.
Liverpool oo la socota Ndicka
Daafac kale oo Liverpool indhaha ku hayso waa AS Roma xiddigeeda Evan Ndicka, sida uu sheegay CaughtOffside.
Roma waxay diyaar u tahay inay iibiso haddii qiimaha €45 milyan la bixiyo. Liverpool ayaa la socota xaaladdiisa, balse sidoo kale waxaa xiiseynaya Manchester United iyo kooxo kale.
Slot oo dalbanaya heshiis cusub
Tababaraha Arne Slot ayaa ku hanjabaya inuu shaqada ka tagi doono haddii uusan helin heshiis cusub oo uu ku qanacsan yahay, sida uu sheegay Indykaila.
Inkastoo cadaadis jiro, Liverpool ma rabto inay ceyriso tababaraha reer Holland, balse wuxuu go’aansan karaa inuu iskii u baxo xagaagan. Heshiiskiisa hadda wuxuu soconayaa ilaa 2027, balse wada-hadallada kordhinta ayaa adkaaday.
Waxaa la sheegay in dalabyada Liverpool aysan qancin Slot, isla markaana uu dalbanayo shuruudo aad uga wanaagsan. Haddii labada dhinac is fahmi waayaan, wuxuu dooran karaa inuu ka tago kooxda.
Be the first to comment