Real Madrid Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Real Madrid waxay horey u go’aansadeen saxiixooda ugu horreeya ee xagaaga, iyadoo kooxda Los Blancos ay ku dhowdahay inay dhamaystirto heshiis loo arko mid “aad u adag in la iska indho tiro.”

Kooxda Alvaro Arbeloa ayaa qarka u saaran inay la saxiixato Nico Paz oo ka tirsan Como, heshiis ay Marca ku tilmaantay mid “qasab” ku ah Real Madrid.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muuqda Serie A xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 10 gool isla markaana sameeyay 6 caawin kooxda uu hoggaamiyo Cesc Fabregas, iyagoo ku riixaya inay u soo baxaan UEFA Champions League.

U wareegista Nico Paz ee Real Madrid xagaaga waxay u muuqataa mid rasmi ah iyada oo la sugayo inta uu SI Rasmi ah u furmayo suuqa Xagaaga.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga